Marka aan ka
hadleyno dowladaha afrika, gaar ahaan kuwa loo yaqaano kuwa koonfurta ka xiga
saxaraha (saxaraha ka hooseeya); waxaa kuugu soo dhacaayo muuqaal dagaalo
sokeeye iyo Murano, faqri, cuduro iyo jahli. Waxaa laga yaabaa in sawirkaan uu
yahay mid dhab ah marka dib loo milicsado labaatankii sano ee la soo dhaafay ku
dhawaad waa xaqiiqo, laakiin tiro aan yareyn oo dowladahaan ka tirsan ayaa u
dhaqaaqay in ee badalaan xaaladaan, iyo in ee ku badalaan sawirkaan foosha xun
mid dhiira galin leh oo aad u sareeyo.waxaa na tusaayo arintaas natiijooyinka
marka aan fiirino saamiyada dhaqaalaha iyo kuwa bulshada ee xoogan.
Waxaan ku
soo bandhigaa qaar kamid ah dowladahaan, kuwaas oo awoodeen in ee xaqiijiyaan
guureeyn wadooyinka hormarinta dhaqaalaha iyo bulshada, ayada oo ee jirto
caqabado soo wajahaayo, laakin waxa eyna arintaa ku gaareen ee isbadalka ah
go’aan ee qaataan hogaankooda ayaga oo kaashanaayo taageerada shacabkooda.
Waxaa lagu
saleeyay ayada oo la eegaayo sida loo hagaajiyay dhaqaalahooda
xasilan,korarka awoodooda tartan ee
suuqa ,yareynta ku tiirsanaanshaha badeecadaha banaanka laga keeno si loo
kordhiyo korarka dhaqaale .sidaa daraadeed waxaa laga yaabaa in aad filaneysid
in ee kamid yihiin dowlada Neyjeeriya(Nigeria) oo shidaalka soo saarta ,ama
koonfur afrika(south Africa) oo kheyraad dabiici ah ku sifooday,maadaama loo
aqoonsanyahay in ee yihiin labada wadamood
ee dhaqaale ugu weyn marka laga hadlaayo qaarada Afrika .
Maadaama ee
duruufta dhaqaale iyo bulsho ee tahay mid isku mid ah, iyo wadooyinka ee mareen
wadamaadan si ee isu hagaajiyaan, iyo wadamada loo yaqaano shabeelada aasiya
marka la fiiriyo bilowgii hormarkooda, waxa ee dad badan ku tilmaamaan
wadamadaan shabeelada Afrika ama libaaxyada Afrika ee cusub.
Ruwanda
Inta lagu
guda jiray dagaalkii sokeeye ee ka dhacay inta udhaxeysay sanadii 1990-1994
dalka Ruwanda ,waxaa ka dhacay xasuuq wadareed loo geeystay qowmiyada Tutsiga
,waxaana ka dhashay in la dilo dad ka badan 800 oo kun .sidaa daraadeed
Qaramada midoobay waxa ee u aqoonsatay maalinka 7 Abril ee sanad walbo oo ku
beegan maalinta uu bilowday xasuuq wadareedka lagu gumaaday qowmiyada Tutsiga
sanadkii 1994’ ayadoo loo asteeyay maalinta
aduunka dhan in laga xuso tacadiyada iyo gabood falada guracan ee dhaca inta
lagu gudo jiro 100 maalmood oo kaliya.
Dagaalo,
gaajo iyo faqri iyo dib u dhac, muddo labaatan sano ah, halka uu ahaa
dhaqaalaha Ruwanda uu noqday mid hooseeya marka uu dhacay xasuuq wadareedka,
laakin marka la eego xaalada wadankaas maanta si aad ayey ugu duwan tahay.
Guud ahaan dadka
Ruwandayska ah waxa ee ku noolyihiin nolol hodan ah iyo caafimaad hormarsan.
Dowlada iyo
Shacabka waxa ee kaga jiraan kaalinta hore dhaqaalaha weyn ee afrika.waxa eeyna
mar walbo ee ku howlanyihiin in ee sii xajistaan booskooda ama kaalinta ee ku
jiraan.
Ayada oo eey
jirto in 45% dadka Deegaanka ee ku noolyihiin 1.25 Dollar maalintii ,balse hoos
u dhaca heerka faqriga ayaa ka xawaara dheereeyay marka labarbar dhigo
dowladaha kale.
Dhaqaalaha
Dalka Ruwanda waa mid kamid ah dhaqaalaha ugu koritaanka badan ee Afrika, halka
uu gaaray kororka wax soo saarkiisa maxaliga ah 8% sanad walbo oo kamid ah inta
u dhaxeysay 2001 illaa 2014.
Heya’da
lacagta Aduunka ayaa waxa ee saadaalineysaa gaabis ku yimaada dhaqaalaha dalka
Rwanda sanadkaan,ayaga oo saadaalinaayo korar gaarsiisan 6% sanadkaan
2016,marka lala barbardhigo 6.9% uu ahaa sanadkii hore ,ayada oo la rajeynaayo
in uu kor u soo kaco mar kale sanada 2018. Dabcan kororka heerkaan ah waxaa loo
aqoonsanyahay mid aad u sareeyo marka la eego celceliska korarka dhaqaalaha
aduunka.
Dhaqaalah wadanka
Ruwanda kuma tiirsano waxyaabaha uu wadanka soo dhoofsado, laakin waxa uu ku hormaray
siyaasad dhaqaale oo hufan iyo kor u qaadida awoodaha tartanka ee
badeecadahooda.
Marka la
eego heya’da lacagta ee aduunka (IMF),korarka dhaqaalaha Ruwanda ee sanadka
2015 waxa uu ku tiirsanaa qaybaha dhismaha,adeegyada kala duwan,beerashada iyo
warshadaha ,halka dhoofinta macaadinta eey hoos u dhac ku timid.
Marka laga
hadlaayo heerka faqriga, waxa uu hoos u dhacay heerka bulshada ku nool
faqrinimo oo ka yimid 57% sanadkii 2005
ayada uu gaaray 45% sanadkii 2010.
Sidaas si
lamid ah waxaa soo hagaagay halbeegyada bulshada hormarkeeda na tusaayo si aad
u muuqata,waana eey sii hormareysaa ,sida mida la xiriirto celceliska da’da ee
la filaayo in uu gaaro qofka u dhasahy wadankaas,tirtirida jahliga,ardayda ku
biireyso dugsiyada hoose ,iyo qoondada loogu talagalay ilaalinta caafimaadka.
Waxa ee
sidaas si lamid Ruwanda qaaday
talaabooyin waaweyn si loo xaqiijiyo sin’naanta ,ayada oo ku dhawaad 64%
xubnaha baarlamaanka ee yihiin dumar ,waana heer aad uga sareeyo celcelis ahaan
heerka aduunka ,waana 22% sida ka muuqato sawirka hoose .arintaan waxa ee u
suurtagalisay haweenku in ee ka qaybqaataan hormarka dhaqaale ee wadanka. Waxa
eena haweenku hada yihiin kuwa awood u leh milkiyada dhulka, gabdhuhana waxa ee
dhaxli karaan waalidkooda taas oo aheyd mid aanan ka jirin wadankaas xiliyadii
hore.
Kadib xasuuq
wadareedkii dhacay, waxaa kordhay kaalmada dibada ee ka hesho dowlada Ruwanda
si ee dib u soo kabsato,qayb weyn dakhliga xukuumada(30 ilaa 40% ee
miisaaniyada)ilaa iyo hada waxa ee ka timaadaa kaalmada.laakin waxa ee
suubiyaan in ee ka shaqeysiiyaan kaalmooyinka si loo xaqiijiyo hormarka
joogtada ee dhaqaalaha iyo kan bulshada.
83% wadarta
bulshada Ruwanda oo gaareysa 11.9 milyan guud ahaan,wali waxa ee ku noolyihiin
tuulooyinka ama baadiyaha ,in kabadan 70% ee shacabka dalkaasi waxa ee ka
shaqeeyaan beerashada ,balse xukuumada oo uu hogaamiyo madaxweyne‘’Paul kigame”
waxa ee rabtaa in arintaas ee wax ka badasho.
Xiliga fog,
waxa ee hiigsaneysaa xukuumada Rwanda dhaqaale ku tiirsan beerashada leh
dakhliga hoose una badesho dhaqaale ku tiirsan adeegyada ku dhisan aqoonta
marka la gaaro 2020.
Intaas waxaa
u sii dheer ,warbixinta sanadlaha ah ee Bankiga Aduunka ee ka soo saareen dhaqdhaqaaqyada
ganacsi ee sanadka 2016;waxa uu wadanka Ruwaanda ka galay kaalinta labaad marka laga hadlaayo wadamada u fudud in laga
bilaabo ganacsi guud ahaan dowladaha ka hooseeya saxaraha ee koonfurta Afrika,halka
ee kaalinta koowaad ee kaga jirto wadamada bariga Afrika.warbixinta waxa ee
sheegeysaa ((in la helo deyn wadanka Ruwaanda lama barbardhigi karo wadan kale
oo Afrikaan ah,waxa uuna ku jiraa kaalinta xarunta ugu wanaagsan ee labaad
aduunka ayada oo ee ka horeeyso wadanka joorjiya(Georgia) guud ahaan caalamka
oo dhan.
Waxa uu gaaray
heerka sicirbararka Ruwanda 2.5% kaliya sanadkii 2015. Halka heerka deynta lagu
leeyahay marka la fiiriyo wax soo saarka guud ahaan ee gudaha uu gaaray 33.7%
sanadkii 2015, halka deynta dibada loogu leeyahay ee gaartay 1.7 Bilyan oo
doolarka mareykanka ah sanadkii 2014.
Heya’da
UNICEF waxa ee sheegtay in wadanka Ruwaanda uu yahay wadan leh heer aad u
sareeyo oo ardayda dugsiyada hoose ku biireyso marka lala barbardhigo wadamada
Afrika .waxa ee sidaa oo kale ee xukuumada xooga ee saareysaa sanadaha soo socda
hagaajinta tayada waxbarashada iyo hormarintayda.
Kigali caasimada Dalka Rwanda
Marka la
eego warbixinada ee soo oo ee soo saartay hey’ada transparency international ee
ka shaqeyso hufnaanta caalamka ,ayaa waxa ee ku sheegtay in wadanka Ruwaanda ee
ka gashay heerka lagu cabiro musuqa ee
loo yaqaano (CPI) sanadkaii 2015 wadanka
afaraad ee ugu musuq maasuq yar qaarada afrika ayada oo ee ka horeeyaan dalka
butuswana ,Cape Verde iyo siishilis ,halka ee kaga jirto geeska afrika in ee
tahay wadanka ugu musuqa yar,aduunkana kaga jirto kaalinta 44.warbixinta waxa
ee sheegeysa in wadanka uu ku tilaabsaday hormar weyn in uu ka gaaray la
dagaalanka musuqa,ayada oo dowlada dalkaasi ee suubisay habab dhowr ah oo loogu
talagalay in wadanka Ruwaanda laga dhigo wadan ka maran musuqmaasuqa gabi ahaan.
Dalka Kote Defoor (Côte d'Ivoire)
Waxaa laga
yaabaa in aan ku naqaano kooxda wadanka u dheesha kubbada cagta, laakin waxaa
jiro waji kale ee uu leeyahay dalka Kote Defoor, oo ah wajiga dhaqaalaha oo sii kobcaayo, hormarada dhanka
dhaqaalaha uu ka gaaray waa mid aad u xiiso badan sanadihii afarta ahaa ee la
soo dhaafay, ayaga oo xaqiijiyay heer kobac oo aad u xoogan marka la eego
wadarta wax soo saarka gudaha, taas oo keentay in uu aad hoos ugu dhaco heerka
saboolnimada xadi aad u weyn.
Waxa ee
dhistay xukuumada qorshe qaran oo cusub
inta u dhaxeysa 2016-2020,iyo qorshaha xisbiga wadanka ee hormarinta
(2016-2020),waxa eeyna ka koobantahay hagaajin qaabdhismeedka xukuumada,si loo
xaqiijiyo gaarista ganacsiga gaarka ah in uu hogaamiyo kobaca guud ahaan ,ayada
uu barbar soconaayo isbadalka qaabdhismeedka dhaqaale.waxa ee ka faa’ideysteen
xisbiga talada haayo casharo ee ka barteen qorshihii hormarinta wadankaas ee
mudadii 2012-2015,waxa uuna barnaamijka cusub uu yahay mid tiigsanaayo in uu
gaaro hadaf dhaqaale sanadka 2020 kaasoo ah dhaqaale kobcay iyo in hoos loo
dhigo heerka saboolnimada dalkaasi si aad u hooseyso.
Heerka
kobaca dhaqaalaha waxa uu gaaray 8.4% sanadkii 2015,waxaana la rajeynaa in uu
gaaro 8.5% sanadkaan 2016 waxa uuna yahay midka ugu kobaca sareeyo guud ahaan
qaarada Afrika,sida ee muujineyso sawirka hoose,wadanka Kote Defoor waxa uu xaqiijiyay hanaan dhaqaale
oo degdeg ku kobcaayo islamarkaasna firfircoon oo dhan walba ah,si loogu
faa’ideeyo dalabka guud ahaan oo awooda leh ,iyo korarka maalgashiga ganacsiga
gaarka loo leeyahay iyo kan guud ahaan.
Marka la
eego wax soo saarka beeraha, waxaa kordhay wax soo saarka dalagyada uu dalkaas
caan ku yahay sida miraha Kaakow (cacao) 36%, qaxwada ama kafeyga (16%),
kaashuuga 18%, sokorta 12%, ayada oo dowlada dalkaasi ku taageertay miisaaniyad
lagu kabaayo beeraleyda, iyo fulinta barnaamij lagu saacidayo wax soo saarka
ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowlada hoos yimaaada.
Waxaa sidoo
kale kordhay wax soo saarka warshadeyd qadar 10.5%,ayada oo qaybaha warshadaha
iyo dhismaha oo kor u kacay si is dabayaal ah qadar 10-23% qaybta howlaha guud,waxaa
sara u kac suubiyay ganacsiga tafaariiqda ah qadar 7% ,waxaa sidoo kale kordhay
dadka isticmaala taleefanada 14%,sidoo kale waxaa kaloo korar iyo hormar laga
dareemayaa adeegyada la xiriira isku gudubka ama safarada ,taas oo ka
tarjumeysa hagaajinta qaybta shaqaalaha,iyo barnaamijka maalgalinta guud ,iyo
korarka dhaqaalaha soo galo qoyska.
Saadaasha
dhaqaalaha ee Afrika oo loo yaqaano (AEO) waxa ee tilmaameysaa heerka hormarka
Dalka Kote Defoor in uu u kordhaayo si xasilan sanadkaan.Xukuumada dalka ayaa
sanadkii hore qaaday talaabooyin muhiim u ah xakameynta xiisadaha siyaasadeed,
iyo saramarsiinta isku duubnaanta bulshada.
Marka la
gaaro Sanadka 2020 waxa ee hey’ada’ AEO’ saadaalineysaa in wadanka uu xaqiijin
doono hadafkiisa oo aha in uu noqdo dowlad hormartay oo xoogan.
Hotel Dvora
ee Abidjan
Sadex
meelood labo kamid ah bulshada dalka waxa ee ka shaqeeyaan warshadaha la
xiriira beeraha, waxaana uu yahay dalka ugu soo saarka badan dalaga Kaakow loo
yaqaano ee aduunka oo dhan, isla markaana caan ku ah kana muuqda soo saarida
qaxwada ama kafeyga iyo saliida timirta laga suubiyo.
Heerka
saboolnimada ayaa hoos u dhacay asiga oo ahaa 51% sanadka 2011 gaarayna 46%
sanadkii 2015,ayada oo ka dhalatay kabsashada dhaqaale ee ka dhashay korarka
dhaqaalaha oo kor u kacay.
Dalka Kote
Defoor ayaa ah dowlada ku jirta kaalinta 77 marka la eego dhaqaalaha ku tiirsan
wax soo saarka guud ahaan aduunka,sanadkii 2014 waxa ee soo dhoofisay 14.2
bilyan oo doolar ,waxa eyna soo dhoofsatay 11.4 bilyan doolar ,taas oo keentay
in ee gaaraan siyaadada miisaaniyada ganacsi ee ah 2.8 bilyan oo doolar ku
dhawaad.
Sanadkii
2014 waxa uu ahaa wax soo saarka guud ahaan ee wadanka Koote Defoor 34.3%, waxa
uuna ahaa qaybta ku soo aadeyso qof walbo marka loo fiiriyo wax soo saarka
gudaha ee guud ahaan dalka 3.2kun doolar.
qaybaha uu
ka koobanyahay wax soo saarka guud ee gudaha ayaa kala ah 62.3% howlaha
guud,warshadaha 20.3%,beeraha 17.4%,qaybta warshadaha waxa ee iskugu jiraan
sameynta cunooyinka iyo cabitaanada,wax soo saarka alwaaxyada,sifeynta
shidaalka,soo saarka dahabka,baabuurta ,dharka,shamiintada iyo qalabka
dhismaha.
Waxa uu
gaaraa heerkaa kobaca dalka Koote Defoor sanadkii 2015 ku dhawaad 1.2%, halka
deynta guud marka lala barbardhigo wax soo saarka guud ee gudaha ee ka aheyd
52.3%.
Mauritius (Dalka
morishiyoos)
Waxa uu caan
ku yahay dalkaan Xeybaha quruxda badan, hoteeladeyda waaweyn, iyo dhaqankayda
hodonka ah: waxa ee ku taalaa jasiirada Mauritius badweynta Hindiya, waxa eeyna
gaartay guul aad u sareeyso, ma jiraan qiyaaso dhaqaale oo caalami ah, hadii ee
jiraanne dowlada Mauritius waxa ee tahay mid ka jirta safka hore ee qaarada
Afrika.
Waxa aa lagu
tilmaamaa dowlad yar oo jirta 500 Mile jasiirada Madagascar, dhex bartamaha
badweynta Hindiya, waxaana loo aqoonsanyahay mid kamid ah wadamada guulaha
gaaray ee Afrika.illaa iyo markii uu xurnimada qaatay ee sanadkii 1968 waxa uu
wadanka lahaa diiwaan aad u wanaagsan oo ah xukunka oo la isku wareejiyo si
nabad ah, dooroshooyin xur ah isla markaan cadaalad ku dhisan taasoo u
qabsoomta xilligii loogu talagalay si joogta ahna u dhaca.
beeraha qasabka ee jasiirada Mauritius
Dhamaadkii
sanadaka 2015, waxa ee soo jiidatay ku dhowaad hal malyan oo dalxiisayaal ah.
Sidaas si lamid ah waxa uu wadanka qaatay siyaasad isku gudubka dhanka safarada
jawiga ah oo furan ayada oo xiriira la yeelatay dowlado waaweyn sida: Australia,
shiinaha iyo singabuur.waxa eeyna saxiixday heshiis lagu aasaasaayo marin
jawiga ah ee qaarada Aasiya iyo Afrika sanadahii u dambeeyay.heshiiskaan waxa
uu ogolaanaa in si aad u weyn uu usoo kabsado qaybta dalxiiska iyo marti soorka,
iyo xaqiijinta faa’idada ugu sareyso ee suurtagal ah in laga suubiyo
dhaqdhaqaaqyada rakaabka.
Waxa uu
sheegay Anerood Jugnauth; qaybta
dalxiiska in uu wadanka u yahay tiir dhaqaale oo aad u sareeyo oo ee leedahay
jasiirad Mauritius, waxa uuna yahay arimaha u muhiimsan dhaqaajinta wadanka in
la gaaro dakhli aad u sareeyo mustaqbalka dhow.
Dalxiisku
waxa uu yahay mid dhiira galiya ganacsiga iyo maalgalinta si aad u xoogan, waxa
eeyna u dhaba galeysaa hagaajinta shirkadaha ganacsi ee gobolka, ayada oo laga
faa’ideysanaayo warshadaha deegaanka, cusbooneysiinta tamarta iyo hormarinta
macluumaadka.
Intaas waxaa u sii dheer,in xukuumada dalkaasi
ee hindistay suuqa kala iibsiga badeecadaha ee Dalka Mauritius ,waxa eyna
bilaabeysaa kala badalasho deg deg ah ee warbixinada la xiriiro canshuuraha dowladaha
kale sebtember 2018.
Waxa sidoo
kale oo saaciday xarunta Dubai ee kala iibsiga badeecadaha kala duwan taas oo u
suurtagalisay xukuumada Mauritius in uu kobco suuqa is dhaafsiga degdega ee dahabka,
dheymanka iyo macaadinta kala duwan ee qaaliga ah. Kaabayaasha dhaqaale oo la
hormariyay ayaa sidoo kale ka qayb qaatay fududeynta howlaha suuqa
badeecooyinka la isku dhaafsado, taas oo ka qayb qaadato hormarinta dhaqaalaha
jasiirada Mauritius.
Dalka
Mauritius waxa uu la leeyahay xiriir wanaagsan wadamada midowga yurub, kaas oo
u soo jiray sanadihii la soo dhaafay, ayada loo dhoofiyo midowga yurub 70%
badeecadaha dalkaas Mauritius.
Waxaa kaloo
jiro rabitaan labada dhinac ah si la iskaaga kaashto dhanka hormarka, xiriirada
iyo howlaha ganacsiga ,maalgalinada
ajnibiga ah ee tooska ah,waxbarashada iyo aqoon is weydaarsiga.
Ayada oo eey
jirto gaabis la xiriira kobaca Yuurada ,ayaa hadana waxa ee ku tiirsantahay
Mauritius si aad u weyn,halka ganacsiga uu suubiyay kobac 4.1% sanadkii
2015.waxa uuna ku tiirsanyahay kobaca dhanka dalxiiska,tiknooloojiyada la
xiriirta warbixinta,isgaarsiinta, qaybta maaliyada,qeybta ceymiska,dhismaha iyo
wax soo saarka dharka.
Dalka
Mauritius ayaa waxa uu hagaajiyay hoos u dhac ku yimid xisaabaadka socda,taas
oo heerkeeda uu ahaay 8.8% wax soo saarka guud ee gudaha ah sanadkii 2014 lana
soo gaarsiiyay 7% sanadkii 2015,oo ee keentay gaabis ganacsi oo yar,iyo dakhli yar. Waxaa kaloo eey dowlada
sameyneysaa siyaasad lacageed,taas oo la jaanqaadeysa xasilooni dhaqaalaha
guud.
Hotelka xeebta marfil ee Mauritius
Mauritius
waa dowlad dimuqraadi baarlamaani ah lehna xisbiyo badan, xasilan, iyada uu
gaaray dadaaladeyda in uu wadanka Mauritius ka dhigay mid ka dhex muuqda
ganacsiga xurka ah ee dhaqaalaha.waxa uu sidoo kale ka faa’ideystay dhaqaalaha
jasiirada qaabdhismeedka qaanuunka ee daahfuran, kaas oo qiraayo isla markaana sara
marsiinaayo ku dhaqanka iyo fulinta sharciga.
Marka la
eego tilmaamaha lagu cabiro xuriyada dhaqaalaha, ayaa dalka Mauritius loo
aqoonsanyahay in uu ku jiro kaalinta 15aad caalamka oo dhan, iyo kaalinta
koowaad marka la eego dowladaha ka hooseeyo koonfurta saxaraha.
Saasaanta
cimilida wadanka Mauritius waa mid xasilan, waxa uuna ku asteensanyahay deegaan
ku wanaagsan ganacsiga firfircoon. Waxa ee taageertaa Hey’adaha siyaasadaha
suuqa furan ee awooda leh, ayada oo si fudud u xakameyso culeysyada, halka
maalgalinta ajnabiga aad looga soo dhaweeyo dalkaasi.
Ayada oo
dadka dalkaasi aad u yaryahiin, oo lagu qiyaaso in ee gaaraayaan 1.3milyan ;ayaa wadarta wax soo saarka guduaha ee guud
ahaan marka laga eego awooda wax iibsi waxa uu gaaray 23.4 bilyan doolar ,halka
ee ku soo aadaayso 18 kun oo doolar halkii qof,halka heerka kobaca uu gaaraayo
3%.
Marka la
eego fududaanta furashada ganacsi, waxa kaliya looga baahanyahay qofka in uu
soo buuxiyo shuruudaha maalgashi si loo aasaasto ganacsi dalka Mauritius.halka
bilaabida ganacsi uu aad fududyahay, waxaana loo maraa Shan talaabo ayada oo la
sugaayo lix maalmood oo kaliya celcelis ahaan.
Shuruucda
shaqaalaha ma adko, qarashaadka joojinta shaqaalanimada aad ayuu u hooseeyaa
.sidaa awgeed bankiga aduunka waxa uu ku tilmaamay in uu yahay deegaanka ugu
shaqo wanaagsan ee Afrika marka la eego qiimeynta bankiga aduunka.
In kastoo
guud ahaan dhaqaalaha aduunka uu gaabis ahaa kobaciisa sanadihii dambe, ayaa dhaqaalaha
wadanka Mauritius uu xaqiijiyay kobac sanadle ah oo ka badan 3%,iyadoo
qiimeynta qaar ee tilmaameyso kobac 3.5% sanadkii 2014 ,iyo 4.1% sanadkii 2015.
Dhulka
jasiirada Mauritius ayaa ah mid ku haboon 50% beerashada, halka qasabka sokorta
uu yahay mid lagu abuuro 90% dhulka dalkaasi.Qasabka sokorta ayaa ah badeecada
ugu muhiimsan ee laga dhoofiyo dalkaas,ayada oo taasi ee aheyd mid soo jireen
ah sanado dhowr ah ayaa hadana u suurtagashay Mauritius in ee guul ka gaartay
kala duwnaansho dhowr ah ee ku suubisay ganacisgeeda,taas oo ee keentay
maalgashi qaybaha adeegyada warshadaha. Markii u horeesay waxa uu dalka xooga
saaray wax soo saarka dharka, laakin xiliyadii dambe wadanka waxa uu bilaabay
in uu xooga saaro dhoofinta waxyaabaha la isku qurxiyo iyo waxyaabaha ee ka
koobantahay saacada.
Wax soo
saarka waxyaabaha la isku qurxiyo, qalabka laga suubiyo saacadaha iyo dheymanka
ayaa waxa uu u dhigmaa 10% waxyaabaha dibada loo dhoofiyo, waxa uuna u dhigmaa
lacag 150 milyan doolar wax soo saarka guud ee wadanka. Si guud ahaan
warshadaha waxa ee kordheen 3% sanadkii 2013, kaasaa kasoo kordhay 2.2%
sanadkii ka horeeyay.
Marka la
eego warbixinta halbeega musuqmaasuqa ee 2015 ee soo saartay hey’ada
transparency international oo ah hey’ada hufnaanta caalamiga ayaa ku tilmaamtay dowlada
Mauritius mida labaad ee ugu musuqmaasuqa yar qaarada Afrika ayada oo ee ka
horeyso dowlada Ruwaanda,halka ee caalamka kaga jirto kaalinta 46 marka la eego
musuqmaasuqa ka jira dalkaasi.
KENYA
Kenya waxa ee
ku taalaa geeska Afrika ayada oo saaran badweynta Hindiya.waxa ee tahay wadan
leh cimilo soo jiidasho badan, waa meel deegaan u ah noolaha bariga sida
libaaxyada, maroodiga iyo wiyisha.tirada dadka Kenya waxa ee gaareysaa 47.5
malyan oo qof.
Warbixin uu
soo saaray bankiga aduunka ayuu ku sheegay in kororka dhaqaalaha Kenya, la
filaayo in uu ka sara maro 5.9% sanadkii 2016, halka 6.1% la filaayo in uu
gaaro 2017.waxaana loo aaneynaa ifafaalahaan wanaagsan maalgalinta lagu
suubiyay kaabayaasha dhaqaalaha iyadoo sidoo kale uu jiro degenaansho guud ee dhaqaalaha
oo ee keentay qiima dhimis lagu suubiyay faa’idada wax soo saarka gudaha, iyo
kororka deymaha ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Siyaasada lacageed
ee wanaagsan ayaa soo celisay suuqa kala iibsiga lacagaha, ayada oo keentay in
lagu xakameeyo sicir bararka 6.6% mudo 12 bilood ah.
Buuraha Ambosoli ee Kenya
Marka la
eego warbixinada uu soo saaray bankiga Aduunka ugu dambeeysay bishii Oktobar
ayaa Kenya ku tilmaamtay in Kenya dhaqaalaheyda uu yahay kuwa ugu koritaanka
dhaqsiyaha badan geeska Afrika.waxaa barbar socdo muuqaalka kororka 2016,ku
tiirsanaansho xaga hal abuurka,naftada iyo magaaleynta deegaamada xiliga fog.
Kenya waxa
ee xaqiijisay himilooyin dhowr ah dhanka arimaha bulshada,sida yareynta heerka
dhimashada caruurta,iyo dhowaan waxbarashada caruurta in ee noqoto mid ee wada
helaan dhamaan caruurta dalkaasi,iyo fududeynta dumarka in ee helaan
waxbarasho.sidoo kale waxaa mira dhalay kororka lagu suubiyay maalgalinta
caafimaadka iyo waxbarashada,ayadoo la hiigsanaayo in la gaaro daryeel
caafimaad oo lacag la’aan ah ee dhamaan adeegyada caafimaad ee bulshada,waxaana
aad u soo wacnaaday hormarada daryeelka caafimaad laga suubiyay si kabadan
sidii hore.sidoo kale Jaamacada Nairobi waxaa ee ku jirtaa kaalinta sideedaad
ee jaamacadaha Afrika ugu fiican marka
la eego xaga tayada waxbarasho.
Sicir bararka waxa uu hoos u dhacay 5.3% bsihii
April ee la soo dhaafay asaga oo ahaa 6.5% bishii Maarso, taas oo aheyd meesha
ee tiigsaneysay xukuumada.marka laga hadlo lacagta ee Kenya isticmaasho waxaa
loo yaqaanaa Kenya Shilin (KES), waxa ee aheyd mid xasilan, ayada oo lagu kabo
hoos u dhaca xisaabaadka socda, taas oo keentay naftada uu wadanka soo
dhoofsado oo rakhiis ah, iyo faa’idooyin fiican oo ee ka helaan shaaha iyo
dalaga beeraha iyo lacagaha ee soo xawilaan qurba joogta.
beerta Kabiti ee Kenya
Waxaa loo
aqoonsanyahay dhaqaalaha wadanka Kenya boroosinka ama marsada dhaqaalaha ee
geeska Afrika, halka adeegyada badan oo ka socda gobolka geeska Afrika ee si
aad ah ku xiranyihiin waxa ka dhaca Kenya.waxaa lagu tilmaamaa dhaqaalaha Kenya
in uu yahay midka ugu weyn gobolka isla markaana ugu dhaqdhaqaaqa badan sida uu
u yahay midka ugu fiican maadaama uu ku xiran yahay dhaqaalaha dowlada kale
marka la eego dhanka qulqulka maalgalinta iyo ganacsiga.jiritaanka fursada shaqaalo
oo xirfad xoogan leh,kala duwanaanshaha dhaqaale iyo kaalinta ee Kenya ku
leedahay in ee tahay hormuud dhinaca isgaarsiinta iyo warbixinta ee gobolka ,waxaa
la filan karaa in uu sii ahaado dhaqaalaha Kenya mid xoogan ,kaas oo xaqiijiyo
faa’ido aad u weyn dowladaha kale oo dariska la ah .
Dhamaadkii sanadkii
2014, waxa uu tilmaamay madaxweynaha Kenya ‘’Uhuru Kenyata” mashruuc wado ee
maraan tareenada oo isku xiro magaalooyinka Mombasa ee Kenya ku taala, Kambala
(Yuganda), Kigali (Ruwanda) iyo Juba (koonfurta Sudan).
Kenya in ee
noqoto hormuudka dhaqaalaha ee gobolka waxa sabab u ah,ganacsiga gaarka loo
leeyahay oo xoogan,hormarinta qorshooyin taageera ganacsiga tan iyo intii
dalkaasi uu xurnimada qaatay.ayada oo uu wadanka Kenya sidoo kale illaa iyo xad
gaaray siyaasad xasilan,iyo jiritaan la’aanta isbadalada fikirka ah ee degdega
xiliyadii la soo dhaafay ayaa ka qaybqaatay koritaankayda in badan.
Sanadkii
2014 iyo 2015 ,Kenya waxa ee aheyd mid xasilan dhaqaalaheyda guud marka la
eego,iyadoo heerka sicir bararka aanu ka
badneyn hal tiro,ayada oo qiimaha lacagteyda uu hoos u dhacay qadar ah 10%
sanadkii 2015.waxa uuna gaaraa celceliska deynta guud ku dhowaad 48.6% taa
oo ka dhalatay wax soo saarka guud ee
gudaha .
W/Q:Maxamed Axmed
No comments:
Post a Comment