Sunday, December 25, 2016

Maxaad ka taqaanaa Dowladaha loo yaqaano shabeelada Dhaqaalaha Afrika?




Marka aan ka hadleyno dowladaha afrika, gaar ahaan kuwa loo yaqaano kuwa koonfurta ka xiga saxaraha (saxaraha ka hooseeya); waxaa kuugu soo dhacaayo muuqaal dagaalo sokeeye iyo Murano, faqri, cuduro iyo jahli. Waxaa laga yaabaa in sawirkaan uu yahay mid dhab ah marka dib loo milicsado labaatankii sano ee la soo dhaafay ku dhawaad waa xaqiiqo, laakiin tiro aan yareyn oo dowladahaan ka tirsan ayaa u dhaqaaqay in ee badalaan xaaladaan, iyo in ee ku badalaan sawirkaan foosha xun mid dhiira galin leh oo aad u sareeyo.waxaa na tusaayo arintaas natiijooyinka marka aan fiirino saamiyada dhaqaalaha iyo kuwa bulshada ee xoogan.
Waxaan ku soo bandhigaa qaar kamid ah dowladahaan, kuwaas oo awoodeen in ee xaqiijiyaan guureeyn wadooyinka hormarinta dhaqaalaha iyo bulshada, ayada oo ee jirto caqabado soo wajahaayo, laakin waxa eyna arintaa ku gaareen ee isbadalka ah go’aan ee qaataan hogaankooda ayaga oo kaashanaayo taageerada shacabkooda.
Waxaa lagu saleeyay ayada oo la eegaayo sida loo hagaajiyay dhaqaalahooda xasilan,korarka  awoodooda tartan ee suuqa ,yareynta ku tiirsanaanshaha badeecadaha banaanka laga keeno si loo kordhiyo korarka dhaqaale .sidaa daraadeed waxaa laga yaabaa in aad filaneysid in ee kamid yihiin dowlada Neyjeeriya(Nigeria) oo shidaalka soo saarta ,ama koonfur afrika(south Africa) oo kheyraad dabiici ah ku sifooday,maadaama loo aqoonsanyahay in ee yihiin labada wadamood  ee dhaqaale ugu weyn marka laga hadlaayo qaarada Afrika .
Maadaama ee duruufta dhaqaale iyo bulsho ee tahay mid isku mid ah, iyo wadooyinka ee mareen wadamaadan si ee isu hagaajiyaan, iyo wadamada loo yaqaano shabeelada aasiya marka la fiiriyo bilowgii hormarkooda, waxa ee dad badan ku tilmaamaan wadamadaan shabeelada Afrika ama libaaxyada Afrika ee cusub.

Ruwanda

Inta lagu guda jiray dagaalkii sokeeye ee ka dhacay inta udhaxeysay sanadii 1990-1994 dalka Ruwanda ,waxaa ka dhacay xasuuq wadareed loo geeystay qowmiyada Tutsiga ,waxaana ka dhashay in la dilo dad ka badan 800 oo kun .sidaa daraadeed Qaramada midoobay waxa ee u aqoonsatay maalinka 7 Abril ee sanad walbo oo ku beegan maalinta uu bilowday xasuuq wadareedka lagu gumaaday qowmiyada Tutsiga sanadkii 1994’  ayadoo loo asteeyay maalinta aduunka dhan in laga xuso tacadiyada iyo gabood falada guracan ee dhaca inta lagu gudo jiro 100 maalmood oo kaliya.
Dagaalo, gaajo iyo faqri iyo dib u dhac, muddo labaatan sano ah, halka uu ahaa dhaqaalaha Ruwanda uu noqday mid hooseeya marka uu dhacay xasuuq wadareedka, laakin marka la eego xaalada wadankaas maanta si aad ayey ugu duwan tahay.
Guud ahaan dadka Ruwandayska ah waxa ee ku noolyihiin nolol hodan ah iyo caafimaad hormarsan.
Dowlada iyo Shacabka waxa ee kaga jiraan kaalinta hore dhaqaalaha weyn ee afrika.waxa eeyna mar walbo ee ku howlanyihiin in ee sii xajistaan booskooda ama kaalinta ee ku jiraan.
Ayada oo eey jirto in 45% dadka Deegaanka ee ku noolyihiin 1.25 Dollar maalintii ,balse hoos u dhaca heerka faqriga ayaa ka xawaara dheereeyay marka labarbar dhigo dowladaha kale.
Dhaqaalaha Dalka Ruwanda waa mid kamid ah dhaqaalaha ugu koritaanka badan ee Afrika, halka uu gaaray kororka wax soo saarkiisa maxaliga ah 8% sanad walbo oo kamid ah inta u dhaxeysay 2001 illaa 2014.
Heya’da lacagta Aduunka ayaa waxa ee saadaalineysaa gaabis ku yimaada dhaqaalaha dalka Rwanda sanadkaan,ayaga oo saadaalinaayo korar gaarsiisan 6% sanadkaan 2016,marka lala barbardhigo 6.9% uu ahaa sanadkii hore ,ayada oo la rajeynaayo in uu kor u soo kaco mar kale sanada 2018. Dabcan kororka heerkaan ah waxaa loo aqoonsanyahay mid aad u sareeyo marka la eego celceliska korarka dhaqaalaha aduunka.
Dhaqaalah wadanka Ruwanda kuma tiirsano waxyaabaha uu wadanka soo dhoofsado, laakin waxa uu ku hormaray siyaasad dhaqaale oo hufan iyo kor u qaadida awoodaha tartanka ee badeecadahooda.
Marka la eego heya’da lacagta ee aduunka (IMF),korarka dhaqaalaha Ruwanda ee sanadka 2015 waxa uu ku tiirsanaa qaybaha dhismaha,adeegyada kala duwan,beerashada iyo warshadaha ,halka dhoofinta macaadinta eey hoos u dhac ku timid.
Marka laga hadlaayo heerka faqriga, waxa uu hoos u dhacay heerka bulshada ku nool faqrinimo oo ka yimid  57% sanadkii 2005 ayada uu gaaray 45% sanadkii 2010.
Sidaas si lamid ah waxaa soo hagaagay halbeegyada bulshada hormarkeeda na tusaayo si aad u muuqata,waana eey sii hormareysaa ,sida mida la xiriirto celceliska da’da ee la filaayo in uu gaaro qofka u dhasahy wadankaas,tirtirida jahliga,ardayda ku biireyso dugsiyada hoose ,iyo qoondada loogu talagalay ilaalinta caafimaadka.
Waxa ee sidaas si lamid  Ruwanda qaaday talaabooyin waaweyn si loo xaqiijiyo sin’naanta ,ayada oo ku dhawaad 64% xubnaha baarlamaanka ee yihiin dumar ,waana heer aad uga sareeyo celcelis ahaan heerka aduunka ,waana 22% sida ka muuqato sawirka hoose .arintaan waxa ee u suurtagalisay haweenku in ee ka qaybqaataan hormarka dhaqaale ee wadanka. Waxa eena haweenku hada yihiin kuwa awood u leh milkiyada dhulka, gabdhuhana waxa ee dhaxli karaan waalidkooda taas oo aheyd mid aanan ka jirin wadankaas xiliyadii hore.

Kadib xasuuq wadareedkii dhacay, waxaa kordhay kaalmada dibada ee ka hesho dowlada Ruwanda si ee dib u soo kabsato,qayb weyn dakhliga xukuumada(30 ilaa 40% ee miisaaniyada)ilaa iyo hada waxa ee ka timaadaa kaalmada.laakin waxa ee suubiyaan in ee ka shaqeysiiyaan kaalmooyinka si loo xaqiijiyo hormarka joogtada ee dhaqaalaha iyo kan bulshada.
83% wadarta bulshada Ruwanda oo gaareysa 11.9 milyan guud ahaan,wali waxa ee ku noolyihiin tuulooyinka ama baadiyaha ,in kabadan 70% ee shacabka dalkaasi waxa ee ka shaqeeyaan beerashada ,balse xukuumada oo uu hogaamiyo madaxweyne‘’Paul kigame” waxa ee rabtaa in arintaas ee wax ka badasho.
Xiliga fog, waxa ee hiigsaneysaa xukuumada Rwanda dhaqaale ku tiirsan beerashada leh dakhliga hoose una badesho dhaqaale ku tiirsan adeegyada ku dhisan aqoonta marka la gaaro 2020.
Intaas waxaa u sii dheer ,warbixinta sanadlaha ah ee Bankiga Aduunka ee ka soo saareen dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee sanadka 2016;waxa uu wadanka Ruwaanda ka galay kaalinta labaad  marka laga hadlaayo wadamada u fudud in laga bilaabo ganacsi guud ahaan dowladaha ka hooseeya saxaraha ee koonfurta Afrika,halka ee kaalinta koowaad ee kaga jirto wadamada bariga Afrika.warbixinta waxa ee sheegeysaa ((in la helo deyn wadanka Ruwaanda lama barbardhigi karo wadan kale oo Afrikaan ah,waxa uuna ku jiraa kaalinta xarunta ugu wanaagsan ee labaad aduunka ayada oo ee ka horeeyso wadanka joorjiya(Georgia) guud ahaan caalamka oo dhan.
Waxa uu gaaray heerka sicirbararka Ruwanda 2.5% kaliya sanadkii 2015. Halka heerka deynta lagu leeyahay marka la fiiriyo wax soo saarka guud ahaan ee gudaha uu gaaray 33.7% sanadkii 2015, halka deynta dibada loogu leeyahay ee gaartay 1.7 Bilyan oo doolarka mareykanka ah sanadkii 2014.
Heya’da UNICEF waxa ee sheegtay in wadanka Ruwaanda uu yahay wadan leh heer aad u sareeyo oo ardayda dugsiyada hoose ku biireyso marka lala barbardhigo wadamada Afrika .waxa ee sidaa oo kale ee xukuumada xooga ee saareysaa sanadaha soo socda hagaajinta tayada waxbarashada iyo hormarintayda.


                                                               Kigali caasimada Dalka Rwanda 

Marka la eego warbixinada ee soo oo ee soo saartay hey’ada transparency international ee ka shaqeyso hufnaanta caalamka ,ayaa waxa ee ku sheegtay in wadanka Ruwaanda ee ka gashay heerka lagu cabiro musuqa  ee loo yaqaano (CPI) sanadkaii 2015  wadanka afaraad ee ugu musuq maasuq yar qaarada afrika ayada oo ee ka horeeyaan dalka butuswana ,Cape Verde iyo siishilis ,halka ee kaga jirto geeska afrika in ee tahay wadanka ugu musuqa yar,aduunkana kaga jirto kaalinta 44.warbixinta waxa ee sheegeysa in wadanka uu ku tilaabsaday hormar weyn in uu ka gaaray la dagaalanka musuqa,ayada oo dowlada dalkaasi ee suubisay habab dhowr ah oo loogu talagalay in wadanka Ruwaanda laga dhigo wadan ka maran musuqmaasuqa gabi ahaan.

Dalka Kote Defoor (Côte d'Ivoire)

Waxaa laga yaabaa in aan ku naqaano kooxda wadanka u dheesha kubbada cagta, laakin waxaa jiro waji kale ee uu leeyahay dalka Kote Defoor, oo ah wajiga dhaqaalaha oo sii kobcaayo, hormarada dhanka dhaqaalaha uu ka gaaray waa mid aad u xiiso badan sanadihii afarta ahaa ee la soo dhaafay, ayaga oo xaqiijiyay heer kobac oo aad u xoogan marka la eego wadarta wax soo saarka gudaha, taas oo keentay in uu aad hoos ugu dhaco heerka saboolnimada xadi aad u weyn.
Waxa ee dhistay xukuumada qorshe qaran  oo cusub inta u dhaxeysa 2016-2020,iyo qorshaha xisbiga wadanka ee hormarinta (2016-2020),waxa eeyna ka koobantahay hagaajin qaabdhismeedka xukuumada,si loo xaqiijiyo gaarista ganacsiga gaarka ah in uu hogaamiyo kobaca guud ahaan ,ayada uu barbar soconaayo isbadalka qaabdhismeedka dhaqaale.waxa ee ka faa’ideysteen xisbiga talada haayo casharo ee ka barteen qorshihii hormarinta wadankaas ee mudadii 2012-2015,waxa uuna barnaamijka cusub uu yahay mid tiigsanaayo in uu gaaro hadaf dhaqaale sanadka 2020 kaasoo ah dhaqaale kobcay iyo in hoos loo dhigo heerka saboolnimada dalkaasi si aad u hooseyso.
Heerka kobaca dhaqaalaha waxa uu gaaray 8.4% sanadkii 2015,waxaana la rajeynaa in uu gaaro 8.5% sanadkaan 2016 waxa uuna yahay midka ugu kobaca sareeyo guud ahaan qaarada Afrika,sida ee muujineyso sawirka hoose,wadanka  Kote Defoor waxa uu xaqiijiyay hanaan dhaqaale oo degdeg ku kobcaayo islamarkaasna firfircoon oo dhan walba ah,si loogu faa’ideeyo dalabka guud ahaan oo awooda leh ,iyo korarka maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo kan guud ahaan.

Marka la eego wax soo saarka beeraha, waxaa kordhay wax soo saarka dalagyada uu dalkaas caan ku yahay sida miraha Kaakow (cacao) 36%, qaxwada ama kafeyga (16%), kaashuuga 18%, sokorta 12%, ayada oo dowlada dalkaasi ku taageertay miisaaniyad lagu kabaayo beeraleyda, iyo fulinta barnaamij lagu saacidayo wax soo saarka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowlada hoos yimaaada.
Waxaa sidoo kale kordhay wax soo saarka warshadeyd qadar 10.5%,ayada oo qaybaha warshadaha iyo dhismaha oo kor u kacay si is dabayaal ah qadar 10-23% qaybta howlaha guud,waxaa sara u kac suubiyay ganacsiga tafaariiqda ah qadar 7% ,waxaa sidoo kale kordhay dadka isticmaala taleefanada 14%,sidoo kale waxaa kaloo korar iyo hormar laga dareemayaa adeegyada la xiriira isku gudubka ama safarada ,taas oo ka tarjumeysa hagaajinta qaybta shaqaalaha,iyo barnaamijka maalgalinta guud ,iyo korarka dhaqaalaha soo galo qoyska.
Saadaasha dhaqaalaha ee Afrika oo loo yaqaano (AEO) waxa ee tilmaameysaa heerka hormarka Dalka Kote Defoor in uu u kordhaayo si xasilan sanadkaan.Xukuumada dalka ayaa sanadkii hore qaaday talaabooyin muhiim u ah xakameynta xiisadaha siyaasadeed, iyo saramarsiinta isku duubnaanta bulshada.
Marka la gaaro Sanadka 2020 waxa ee hey’ada’ AEO’ saadaalineysaa in wadanka uu xaqiijin doono hadafkiisa oo aha in uu noqdo dowlad hormartay oo xoogan.


                                                                                                       Hotel Dvora ee Abidjan 

Sadex meelood labo kamid ah bulshada dalka waxa ee ka shaqeeyaan warshadaha la xiriira beeraha, waxaana uu yahay dalka ugu soo saarka badan dalaga Kaakow loo yaqaano ee aduunka oo dhan, isla markaana caan ku ah kana muuqda soo saarida qaxwada ama kafeyga iyo saliida timirta laga suubiyo.
Heerka saboolnimada ayaa hoos u dhacay asiga oo ahaa 51% sanadka 2011 gaarayna 46% sanadkii 2015,ayada oo ka dhalatay kabsashada dhaqaale ee ka dhashay korarka dhaqaalaha oo kor u kacay.
Dalka Kote Defoor ayaa ah dowlada ku jirta kaalinta 77 marka la eego dhaqaalaha ku tiirsan wax soo saarka guud ahaan aduunka,sanadkii 2014 waxa ee soo dhoofisay 14.2 bilyan oo doolar ,waxa eyna soo dhoofsatay 11.4 bilyan doolar ,taas oo keentay in ee gaaraan siyaadada miisaaniyada ganacsi ee ah 2.8 bilyan oo doolar ku dhawaad.
Sanadkii 2014 waxa uu ahaa wax soo saarka guud ahaan ee wadanka Koote Defoor 34.3%, waxa uuna ahaa qaybta ku soo aadeyso qof walbo marka loo fiiriyo wax soo saarka gudaha ee guud ahaan dalka 3.2kun doolar.
qaybaha uu ka koobanyahay wax soo saarka guud ee gudaha ayaa kala ah 62.3% howlaha guud,warshadaha 20.3%,beeraha 17.4%,qaybta warshadaha waxa ee iskugu jiraan sameynta cunooyinka iyo cabitaanada,wax soo saarka alwaaxyada,sifeynta shidaalka,soo saarka dahabka,baabuurta ,dharka,shamiintada iyo qalabka dhismaha.
Waxa uu gaaraa heerkaa kobaca dalka Koote Defoor sanadkii 2015 ku dhawaad 1.2%, halka deynta guud marka lala barbardhigo wax soo saarka guud ee gudaha ee ka aheyd 52.3%.

Mauritius (Dalka morishiyoos)

Waxa uu caan ku yahay dalkaan Xeybaha quruxda badan, hoteeladeyda waaweyn, iyo dhaqankayda hodonka ah: waxa ee ku taalaa jasiirada Mauritius badweynta Hindiya, waxa eeyna gaartay guul aad u sareeyso, ma jiraan qiyaaso dhaqaale oo caalami ah, hadii ee jiraanne dowlada Mauritius waxa ee tahay mid ka jirta safka hore ee qaarada Afrika.
Waxa aa lagu tilmaamaa dowlad yar oo jirta 500 Mile jasiirada Madagascar, dhex bartamaha badweynta Hindiya, waxaana loo aqoonsanyahay mid kamid ah wadamada guulaha gaaray ee Afrika.illaa iyo markii uu xurnimada qaatay ee sanadkii 1968 waxa uu wadanka lahaa diiwaan aad u wanaagsan oo ah xukunka oo la isku wareejiyo si nabad ah, dooroshooyin xur ah isla markaan cadaalad ku dhisan taasoo u qabsoomta xilligii loogu talagalay si joogta ahna u dhaca.

                                                                                beeraha qasabka ee jasiirada Mauritius 

Dhamaadkii sanadaka 2015, waxa ee soo jiidatay ku dhowaad hal malyan oo dalxiisayaal ah. Sidaas si lamid ah waxa uu wadanka qaatay siyaasad isku gudubka dhanka safarada jawiga ah oo furan ayada oo xiriira la yeelatay dowlado waaweyn sida: Australia, shiinaha iyo singabuur.waxa eeyna saxiixday heshiis lagu aasaasaayo marin jawiga ah ee qaarada Aasiya iyo Afrika sanadahii u dambeeyay.heshiiskaan waxa uu ogolaanaa in si aad u weyn uu usoo kabsado qaybta dalxiiska iyo marti soorka, iyo xaqiijinta faa’idada ugu sareyso ee suurtagal ah in laga suubiyo dhaqdhaqaaqyada rakaabka.
Waxa uu sheegay Anerood Jugnauth; qaybta dalxiiska in uu wadanka u yahay tiir dhaqaale oo aad u sareeyo oo ee leedahay jasiirad Mauritius, waxa uuna yahay arimaha u muhiimsan dhaqaajinta wadanka in la gaaro dakhli aad u sareeyo mustaqbalka dhow.
Dalxiisku waxa uu yahay mid dhiira galiya ganacsiga iyo maalgalinta si aad u xoogan, waxa eeyna u dhaba galeysaa hagaajinta shirkadaha ganacsi ee gobolka, ayada oo laga faa’ideysanaayo warshadaha deegaanka, cusbooneysiinta tamarta iyo hormarinta macluumaadka.
 Intaas waxaa u sii dheer,in xukuumada dalkaasi ee hindistay suuqa kala iibsiga badeecadaha ee Dalka Mauritius ,waxa eyna bilaabeysaa kala badalasho deg deg ah ee warbixinada la xiriiro canshuuraha dowladaha kale sebtember 2018.
Waxa sidoo kale oo saaciday xarunta Dubai ee kala iibsiga badeecadaha kala duwan taas oo u suurtagalisay xukuumada Mauritius in uu kobco suuqa is dhaafsiga degdega ee dahabka, dheymanka iyo macaadinta kala duwan ee qaaliga ah. Kaabayaasha dhaqaale oo la hormariyay ayaa sidoo kale ka qayb qaatay fududeynta howlaha suuqa badeecooyinka la isku dhaafsado, taas oo ka qayb qaadato hormarinta dhaqaalaha jasiirada Mauritius.
Dalka Mauritius waxa uu la leeyahay xiriir wanaagsan wadamada midowga yurub, kaas oo u soo jiray sanadihii la soo dhaafay, ayada loo dhoofiyo midowga yurub 70% badeecadaha dalkaas Mauritius.
Waxaa kaloo jiro rabitaan labada dhinac ah si la iskaaga kaashto dhanka hormarka, xiriirada iyo howlaha ganacsiga ,maalgalinada  ajnibiga ah ee tooska ah,waxbarashada iyo  aqoon is weydaarsiga.
Ayada oo eey jirto gaabis la xiriira kobaca Yuurada ,ayaa hadana waxa ee ku tiirsantahay Mauritius si aad u weyn,halka ganacsiga uu suubiyay kobac 4.1% sanadkii 2015.waxa uuna ku tiirsanyahay kobaca dhanka dalxiiska,tiknooloojiyada la xiriirta warbixinta,isgaarsiinta, qaybta maaliyada,qeybta ceymiska,dhismaha iyo wax soo saarka dharka.

Dalka Mauritius ayaa waxa uu hagaajiyay hoos u dhac ku yimid xisaabaadka socda,taas oo heerkeeda uu ahaay 8.8% wax soo saarka guud ee gudaha ah sanadkii 2014 lana soo gaarsiiyay 7% sanadkii 2015,oo ee keentay gaabis ganacsi oo yar,iyo  dakhli yar. Waxaa kaloo eey dowlada sameyneysaa siyaasad lacageed,taas oo la jaanqaadeysa xasilooni dhaqaalaha guud.

                                                                                   Hotelka xeebta marfil ee Mauritius 

Mauritius waa dowlad dimuqraadi baarlamaani ah lehna xisbiyo badan, xasilan, iyada uu gaaray dadaaladeyda in uu wadanka Mauritius ka dhigay mid ka dhex muuqda ganacsiga xurka ah ee dhaqaalaha.waxa uu sidoo kale ka faa’ideystay dhaqaalaha jasiirada qaabdhismeedka qaanuunka ee daahfuran, kaas oo qiraayo isla markaana sara marsiinaayo ku dhaqanka iyo fulinta sharciga.
Marka la eego tilmaamaha lagu cabiro xuriyada dhaqaalaha, ayaa dalka Mauritius loo aqoonsanyahay in uu ku jiro kaalinta 15aad caalamka oo dhan, iyo kaalinta koowaad marka la eego dowladaha ka hooseeyo koonfurta saxaraha.
Saasaanta cimilida wadanka Mauritius waa mid xasilan, waxa uuna ku asteensanyahay deegaan ku wanaagsan ganacsiga firfircoon. Waxa ee taageertaa Hey’adaha siyaasadaha suuqa furan ee awooda leh, ayada oo si fudud u xakameyso culeysyada, halka maalgalinta ajnabiga aad looga soo dhaweeyo dalkaasi.
Ayada oo dadka dalkaasi aad u yaryahiin, oo lagu qiyaaso in ee gaaraayaan 1.3milyan  ;ayaa wadarta wax soo saarka guduaha ee guud ahaan marka laga eego awooda wax iibsi waxa uu gaaray 23.4 bilyan doolar ,halka ee ku soo aadaayso 18 kun oo doolar halkii qof,halka heerka kobaca uu gaaraayo 3%.
Marka la eego fududaanta furashada ganacsi, waxa kaliya looga baahanyahay qofka in uu soo buuxiyo shuruudaha maalgashi si loo aasaasto ganacsi dalka Mauritius.halka bilaabida ganacsi uu aad fududyahay, waxaana loo maraa Shan talaabo ayada oo la sugaayo lix maalmood oo kaliya celcelis ahaan.
Shuruucda shaqaalaha ma adko, qarashaadka joojinta shaqaalanimada aad ayuu u hooseeyaa .sidaa awgeed bankiga aduunka waxa uu ku tilmaamay in uu yahay deegaanka ugu shaqo wanaagsan ee Afrika marka la eego qiimeynta bankiga aduunka.
In kastoo guud ahaan dhaqaalaha aduunka uu gaabis ahaa kobaciisa sanadihii dambe, ayaa dhaqaalaha wadanka Mauritius uu xaqiijiyay kobac sanadle ah oo ka badan 3%,iyadoo qiimeynta qaar ee tilmaameyso kobac 3.5% sanadkii 2014 ,iyo 4.1% sanadkii 2015.
Dhulka jasiirada Mauritius ayaa ah mid ku haboon 50% beerashada, halka qasabka sokorta uu yahay mid lagu abuuro 90% dhulka dalkaasi.Qasabka sokorta ayaa ah badeecada ugu muhiimsan ee laga dhoofiyo dalkaas,ayada oo taasi ee aheyd mid soo jireen ah sanado dhowr ah ayaa hadana u suurtagashay Mauritius in ee guul ka gaartay kala duwnaansho dhowr ah ee ku suubisay ganacisgeeda,taas oo ee keentay maalgashi qaybaha adeegyada warshadaha. Markii u horeesay waxa uu dalka xooga saaray wax soo saarka dharka, laakin xiliyadii dambe wadanka waxa uu bilaabay in uu xooga saaro dhoofinta waxyaabaha la isku qurxiyo iyo waxyaabaha ee ka koobantahay saacada.
Wax soo saarka waxyaabaha la isku qurxiyo, qalabka laga suubiyo saacadaha iyo dheymanka ayaa waxa uu u dhigmaa 10% waxyaabaha dibada loo dhoofiyo, waxa uuna u dhigmaa lacag 150 milyan doolar wax soo saarka guud ee wadanka. Si guud ahaan warshadaha waxa ee kordheen 3% sanadkii 2013, kaasaa kasoo kordhay 2.2% sanadkii ka horeeyay.
Marka la eego warbixinta halbeega musuqmaasuqa ee 2015 ee soo saartay hey’ada transparency international oo ah hey’ada  hufnaanta caalamiga ayaa ku tilmaamtay dowlada Mauritius mida labaad ee ugu musuqmaasuqa yar qaarada Afrika ayada oo ee ka horeyso dowlada Ruwaanda,halka ee caalamka kaga jirto kaalinta 46 marka la eego musuqmaasuqa ka jira dalkaasi.

KENYA

Kenya waxa ee ku taalaa geeska Afrika ayada oo saaran badweynta Hindiya.waxa ee tahay wadan leh cimilo soo jiidasho badan, waa meel deegaan u ah noolaha bariga sida libaaxyada, maroodiga iyo wiyisha.tirada dadka Kenya waxa ee gaareysaa 47.5 malyan oo qof.
Warbixin uu soo saaray bankiga aduunka ayuu ku sheegay in kororka dhaqaalaha Kenya, la filaayo in uu ka sara maro 5.9% sanadkii 2016, halka 6.1% la filaayo in uu gaaro 2017.waxaana loo aaneynaa ifafaalahaan wanaagsan maalgalinta lagu suubiyay kaabayaasha dhaqaalaha iyadoo sidoo kale uu jiro degenaansho guud ee dhaqaalaha oo ee keentay qiima dhimis lagu suubiyay faa’idada wax soo saarka gudaha, iyo kororka deymaha ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Siyaasada lacageed ee wanaagsan ayaa soo celisay suuqa kala iibsiga lacagaha, ayada oo keentay in lagu xakameeyo sicir bararka 6.6% mudo 12 bilood ah.

                                                            Buuraha Ambosoli ee Kenya

Marka la eego warbixinada uu soo saaray bankiga Aduunka ugu dambeeysay bishii Oktobar ayaa Kenya ku tilmaamtay in Kenya dhaqaalaheyda uu yahay kuwa ugu koritaanka dhaqsiyaha badan geeska Afrika.waxaa barbar socdo muuqaalka kororka 2016,ku tiirsanaansho xaga hal abuurka,naftada iyo magaaleynta deegaamada xiliga fog.
Kenya waxa ee xaqiijisay himilooyin dhowr ah dhanka arimaha bulshada,sida yareynta heerka dhimashada caruurta,iyo dhowaan waxbarashada caruurta in ee noqoto mid ee wada helaan dhamaan caruurta dalkaasi,iyo fududeynta dumarka in ee helaan waxbarasho.sidoo kale waxaa mira dhalay kororka lagu suubiyay maalgalinta caafimaadka iyo waxbarashada,ayadoo la hiigsanaayo in la gaaro daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ee dhamaan adeegyada caafimaad ee bulshada,waxaana aad u soo wacnaaday hormarada daryeelka caafimaad laga suubiyay si kabadan sidii hore.sidoo kale Jaamacada Nairobi waxaa ee ku jirtaa kaalinta sideedaad ee  jaamacadaha Afrika ugu fiican marka la eego xaga tayada waxbarasho.

Sicir bararka waxa uu hoos u dhacay 5.3% bsihii April ee la soo dhaafay asaga oo ahaa 6.5% bishii Maarso, taas oo aheyd meesha ee tiigsaneysay xukuumada.marka laga hadlo lacagta ee Kenya isticmaasho waxaa loo yaqaanaa Kenya Shilin (KES), waxa ee aheyd mid xasilan, ayada oo lagu kabo hoos u dhaca xisaabaadka socda, taas oo keentay naftada uu wadanka soo dhoofsado oo rakhiis ah, iyo faa’idooyin fiican oo ee ka helaan shaaha iyo dalaga beeraha iyo lacagaha ee soo xawilaan qurba joogta.


                                                                                                  beerta Kabiti ee Kenya 

Waxaa loo aqoonsanyahay dhaqaalaha wadanka Kenya boroosinka ama marsada dhaqaalaha ee geeska Afrika, halka adeegyada badan oo ka socda gobolka geeska Afrika ee si aad ah ku xiranyihiin waxa ka dhaca Kenya.waxaa lagu tilmaamaa dhaqaalaha Kenya in uu yahay midka ugu weyn gobolka isla markaana ugu dhaqdhaqaaqa badan sida uu u yahay midka ugu fiican maadaama uu ku xiran yahay dhaqaalaha dowlada kale marka la eego dhanka qulqulka maalgalinta iyo ganacsiga.jiritaanka fursada shaqaalo oo xirfad xoogan leh,kala duwanaanshaha dhaqaale iyo kaalinta ee Kenya ku leedahay in ee tahay hormuud dhinaca isgaarsiinta iyo warbixinta ee gobolka ,waxaa la filan karaa in uu sii ahaado dhaqaalaha Kenya mid xoogan ,kaas oo xaqiijiyo faa’ido aad u weyn dowladaha kale oo dariska la ah .
Dhamaadkii sanadkii 2014, waxa uu tilmaamay madaxweynaha Kenya ‘’Uhuru Kenyata” mashruuc wado ee maraan tareenada oo isku xiro magaalooyinka Mombasa ee Kenya ku taala, Kambala (Yuganda), Kigali (Ruwanda) iyo Juba (koonfurta Sudan).
Kenya in ee noqoto hormuudka dhaqaalaha ee gobolka waxa sabab u ah,ganacsiga gaarka loo leeyahay oo xoogan,hormarinta qorshooyin taageera ganacsiga tan iyo intii dalkaasi uu xurnimada qaatay.ayada oo uu wadanka Kenya sidoo kale illaa iyo xad gaaray siyaasad xasilan,iyo jiritaan la’aanta isbadalada fikirka ah ee degdega xiliyadii la soo dhaafay ayaa ka qaybqaatay koritaankayda in badan.
Sanadkii 2014 iyo 2015 ,Kenya waxa ee aheyd mid xasilan dhaqaalaheyda guud marka la eego,iyadoo heerka sicir bararka  aanu ka badneyn hal tiro,ayada oo qiimaha lacagteyda uu hoos u dhacay qadar ah 10% sanadkii 2015.waxa uuna gaaraa celceliska deynta guud ku dhowaad 48.6% taa oo  ka dhalatay wax soo saarka guud ee gudaha .

W/Q:Maxamed Axmed

Friday, August 26, 2016

Maxaan ka baran karnaa Dalka Rwanda?


Rwanda waa wadan ka tirsan wadamada bariga Afrika ,aanan laheyn wax bad kuna caan ah buuro aad u cagaaran,waxa ee xad la leedahay dhanka galbeed Democratic Republic of Congo (DRC),Tanzania dhinaca bariga,Uganda dhinaca waqooyi iyo Burundi dhinaca koonfur.tirakoobkii u danbeeyay ee la suubiyay 2012, dadka Rwanda waxaa lagu qiyaasaa in ee yihiin 10.5 milyan deegaan ah,52% waa dumar. Taageero ayaga oo ka helaayo Bankiga Aduunka iyo Heyada lacagta Aduunka(IMF)waxa ee awoodeen in dhaqaalahooda hormariyaan ,qaabdhismeedkooda dowladeedna hagaajiyaan isla markaana ee joogteeyaan heerka koritaanka dhaqaalahooda tobankii sano ee la soo dhaafay.
Waxaan booqday bishii maarso ee sanadkaan 2016 wadanka Rwanda ,waxaana doonayaa inaan idinla wadaago waxa aadka ii soo jiitay wadankaas oo anaga hadii aan Soomaali nahay aan ka baran karno casharo.

Rwanda waxaa ka dhacay mid kamid ah xasuuqyada aduunyada ugu weynaa ee ebid ka dhaca inta la xasuusan yahay taariikhda bani’aadamka.
Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay xasuuqaas illa iyo hal milyan qof ku dhawaad ayada oo lagu laayay qoomiyada lagu magacaabo Tutsi- ga oo ee laayeen Hutu-ga .

Waxaa lagu aaneeyaa in ee ka dambeesay in xasuuqa oo ka bilaabday wadankaas kadib markii la dilay madaxweyne Habiriyamana laakin waxa ee ii sheegeen dad badan oo aan ka wereestay qoomiyada Tutsi-ga ah in arinta intaas ee ka horeesay oo qoomiyadooda waligood lagu suubin jiray in la liido illaa waqtigii xuriyada uu qaatay wadankaas isla markaana loo diidi jiray xaquuqahooda aasaasiga ah oo ee kamid tahay waxbarashada dugsiga sare in uu u gubdo ardayga Tutsiga ah ,taas oo keeni jirtay in dad badan oo Tutsi ah ee magacooda badalaan si ee ugu ekeesiiyaan magacyada Hutu-ga si waxbarashada loogu ogolaado !ayada oo bulshada Hutu-ga ee ka aaminsaneed in dad liito ee yihiin ,ereyo ee kamid yihiin in la dilo Tutsi-ga iyo in la dilo kaneecada iyo cayayaanka kale in ee isku mid yihiin ayaa caruurta Tutsi-ga la bari jiray ,waxa ee muddo dheer kadib ee keentay in Qoomiyada Hutu-ga ee aaminto in Tutsi-ga laga tirabadan yahay eesan wax xaquuq ah laheyn ayadoo keentay in wadanka hal maalin jiho walbo in uu ka bilaabdo xasuuqa waa maalinkii uu dhintay madaxweyne Habariyamaana.

Waxa ee gaareen heer ninka uu dilo xaaskiisa ama xaaskiisa ee ogolaato in seygeeda la dilo ,dariska ee dilaan dariskooda kale oo ee caruurtooda isla dheeli jireen in la laayo ,si aan kala sooc laheyn caruur ,waayeel iyo dumarba ayada oo lagu boorin jiray in qofkii Hutu ah oo qariyo qof Tutsi ah in asigana la dilo.Qoysas badan ayaa baaba’ay qaarna tiro hal qof oo kala ah ayaa ka haray,intii u qixi kartay wadamada dariska la ahna waa ee qaxeen.

Bulsho uu dhex maray dagaal sidaas ah ayaa heshiisay manta isna cafisay oo waliba madaxweyne ka dhigatay qof ka soo jeeda qowmiyada laga tirade badanyahay ma rumesaneysaa?

Sidee aye ku dhacday in dhibkii dhacay in  laga gudbo?
Waxaa wadanka Rwanda oo dhan lagu suubiyay barnaamijyo lagu kulansiinaayo qofkii dhibka geestay iyo qofkii loo geestay looguna talagalay qof walbo uu dhibkii asiga ku dhacay ama reerkiisa uu ku cafiyo ,waxa eena ii sheegeen dad ka tirsanaa dadkii dhibkii gaaray oo aan la sheekeystay in ee adagtahay inaad hilmaamto dhibka soo gaaray reerkaaga laakin aad cafin kartid qofka dhibka kuu geestay.waxaa aad loo xoojiyay isku xirnaanta ummada iyo hormarinta cadaalada ,yareenta musuqmaasuqa iyo xoojinta kala dambeynta.

Qof kasto oo booqdo Rwanda waxa ugu horeeyo oo indhihiisa qabanaayo waa nadaafada laamiyada iyo wadooyinka magaalo iyo tuulo ayada oo loo aqoonsanyahay nadaafaada in ee tahay mas’uuliyad qof walbo saaran sidaas daraadeed waxaa jiro waqti qof walbo uu ka qaybqaadanaayo nadaafada iyo xaaqida laamiga si bilicdiisa ee u jirto ,hadii aanan qaldaneyn Rwanda caasimadeyda Kigala ma jirto caasimad nadaafad ku gaarto qaarada Afrika iyo wadamo badan oo aasiya ka tirsan ama latin Ameerika.Dadka qaar waxa ee isweydiiyaan meesha ee qashinka ku shubaan ayada oo aad ku arkeysid wadanka oo dhan in uu nadiif yahay magaalo illaa tuulo oo waxaad is leedahay tolow qashinka ma cuneen maadaama aadan arkeyn meel la isugu geeyay ama meel ee ku shubaan.waxyaabaha ka mamnuuca ah in garoomadooda laga geliyo waxaa kamid bacaha balaastikada ah si loo yareeyo qashinka ka imaan karo.

Waxaa laga yaabaa in uu qof ku doodo anaga wadankeena faragalin ayaa lagu haayaa oo dowladaha dariska Ayaan ka nasan la’nahay iyo doodo la halmaal ah ,laakiin waxaan kuu sheegaa in ee iyaga naga daran yihiin oo wadamada dariska la ah sida Burundi iyo kongo ee dhib ku haayaan ,jabhado mucaarad ah oo wadamadaas joogo isla markaana duulaan ku haayo wadanka Rwanda.

Waxaan booqday labo matxaf oo ka tirsan matxafyada lagu keediyo taariikhda xasuuqa, mid waxaa lagu magacaabaa NTARAMA waxaa lagu dilay 5000 oo qof hal maalin oo u badan caruur waxaana meeshaas ee ahaan jirtay  kaniisad (hadase loo badalay matxaf oo ee dadku ku soo ordeen si ee ugu badbaadaan markii uu xasuuqa dhacaayay 1994tii  laakiin waxaa ku soo weeraray Hutu careysan isla markaana laayay dhammaan dadkii gabbaadka ka dhiganaayay xarunta oo u badnaa caruurta ,illaa maanta waxaa ku yaala daaqadii lagu jebiyay dadkii meesha gabaadka ka dhigtay raadadkii weerarka oo lama dayactirin si loo xasuusto,dharki ee gashnaayeen caruurta iyo kabahooda  xitaa qolfooftii

madaxyadooda iyo baangadihii lagu dilay ,ulo loo isticmaalay dadka in laga galiyo meel kasta oo duleesha ayada oo illaa afka looga soo bixiyay si silic loogu dilo ayaa lagu keediyay xarunta ayada oo markii aan booqanaayay la qorsheynaayay in la sii ballaariyo xarunta.






































Matxafka NTARAMA.© Mohamed Ahmed


  Xarunta labaad waa mida ugu weyn oo loo yaqaano Kigali Genocide memorial oo loogu talagalay xasuusasho iyo wax ka barasho wixii horay u dhacay si eenan u soo laaban ;waxaa ku aasan xaruntaan 259000(labo boqol konton iyo sagaal kun oo qof ) waana xarunta ugu weyn ee qabuura wadareedyada wadanka Rwanda.matxafka gudihiisa waxaa ku jiro dhacdooyinka oo sawir ah iyo sidii wadanka dhibka uuga baxay iyo muuqaalo fiidiyow ah oo ku sharxaayo sida ee wax u dhaceyn iyo buugaag laga qoray arimaha xasuuqa la xiriiro.

















Matxafka Kigali Genocide memorial.(Getty image)

Mid ka mid ah asxaabteyda oo lagu magacaabo Maxamud Cabdi horayna u booqday wadanka Rwanda ayaa waxa uu ii sheegay in Soomaaliya ee fiicnaan laheyd in loo suubiyo matxafyadaas oo kale si ee wax ugu bartaan dhibaatada dagaalka soo labto mar walbo.

Maxaan ka baran karnaa hadii aan Soomaali nahay:
Waxa aan u kala qaadeynaa laba qeybood ;Bulshada waxa ee ka baran karto iyo Dowlada waxa ee ka baran karto.

1.in la is cafiyo si dhameestiran oo sax ah ,waxaan ka warqabaa in ee jireen barnaamijyo badan oo hey’adaha samafalka ee ka qabteen wadanka oo loogu tala galay waxa loo yaqaano ‘reconciliation’ ama barnaamijyada dib u heshiisiinta bulshada laakiin waxa aan aaminsanahay in aan la waafajinin sida ee dadkeynu iskuugu calool fiyowaan lahaayeen,doorka saxda ahna waxaa qaadan karo dowlada.intaas waxaa sii dheer in ilaahey naga dhigay dad muslimiin ah oo eey diinteenu na fareyso in aan is cafino.

2. Dowlad wanaaga iyo hogaan daacad ee ka tahay in dalkaan wax loo qabto:si ka duwan wadankeena shaqaalaha u shaqeeyo dowlada Rwanda waxa ee ka taya badanyihiin shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay,marka aad u dhaba gashid wadankeyna waxaa kuu soo baxeyso in ganacsiga gaarka ah shaqaalaha u shaqeeyo ee ka firfircoon yihiin dhinac walbo kuwa dowladeyna u shaqeeya ,tusaaale ahaan isla xisaabtamka u bislaashaha shaqo,  iyo guulaha laga gaaraayo shaqada la qabanaayo.waxaana loo aaneyn karaa dhowr waxyaabood laakin mid kamid ah haddii aan soo qaato waxaan dhihi karaa ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uu ku hormaray waxa ee siiyaan shaqaalahooda ugu yaraan mushaaraadka ee ku balamaan halka dhinaca dowlada laga yaabo in eek a fuli weyso bixinta xuquuqaadka shaqaaalahooda taasoo keenta qof kasta oo tayo leh in uu shaqo ka raadsado shirkadaha gaarka loo leeyahay ama hey'adaha.

Musuqmaasuqa Rwanda aad ayaa loola dagaalamay mas’uuliyiintana waa dad ee ka go’an tahay in ee la dagaalamaan musuqmaasuqa wadankooda si ee u hormariyaan maadaama oo ilo badan oo dhaqaalo ah aanan laheyn wadankooda.

Rwanda waxa ee guulo la taaban karo ka gaartay hadafyada hormarinta tobankii sano la soo dhaafay waxaana ka jiro koror aad u sareeyo,yareynta faqriga oo xooli ku socda ,iyo laga soo bilaabo 2005,waxa ee yareeyeen sin’naan la’aanta. Inta u dhaxeysa 2001 illaa 2015 waa uu kordhay cabirka GDP loo yaqaano ee lagu cabiro celcelis ahaan dakhliga soo galo wadanka  8% sanidkiiba .Rwanda waxa ee ka soo kabsatay kaalmada banaanka kaga timaada oo yaraatay 2012,dhaqaalahooda waxa uu kordhay 7% sanadkii 2014 iyo 6.9% sanadkii 2015 halka uu ka soo kacay 4.7% sanadkii 2013.

Hormarada ee gaartay tusaale ahaan dhinaca caafimaadka waxaa sanad walbo u dhiman jiray cudurka malaria 73.5%sanadkii (2000) maanta waxaa ee mareeysaa 15%.

W/Q:Maxamed Axmed