Rwanda waa wadan ka tirsan wadamada bariga Afrika ,aanan
laheyn wax bad kuna caan ah buuro aad u cagaaran,waxa ee xad la leedahay dhanka
galbeed Democratic Republic of Congo (DRC),Tanzania dhinaca bariga,Uganda
dhinaca waqooyi iyo Burundi dhinaca koonfur.tirakoobkii u danbeeyay ee la
suubiyay 2012, dadka Rwanda waxaa lagu qiyaasaa in ee yihiin 10.5 milyan
deegaan ah,52% waa dumar. Taageero ayaga oo ka helaayo Bankiga Aduunka iyo Heyada lacagta Aduunka(IMF)waxa ee awoodeen in
dhaqaalahooda hormariyaan ,qaabdhismeedkooda dowladeedna hagaajiyaan isla
markaana ee joogteeyaan heerka koritaanka dhaqaalahooda tobankii sano ee la soo
dhaafay.
Waxaan booqday bishii maarso ee sanadkaan 2016 wadanka
Rwanda ,waxaana doonayaa inaan idinla wadaago waxa aadka ii soo jiitay
wadankaas oo anaga hadii aan Soomaali nahay aan ka baran karno casharo.
Rwanda waxaa ka
dhacay mid kamid ah xasuuqyada aduunyada ugu weynaa ee ebid ka dhaca inta la
xasuusan yahay taariikhda bani’aadamka.
Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay xasuuqaas illa iyo hal
milyan qof ku dhawaad ayada oo lagu laayay qoomiyada lagu magacaabo Tutsi- ga
oo ee laayeen Hutu-ga .
Waxaa lagu aaneeyaa in ee ka dambeesay in xasuuqa oo ka
bilaabday wadankaas kadib markii la dilay madaxweyne Habiriyamana laakin waxa ee
ii sheegeen dad badan oo aan ka wereestay qoomiyada Tutsi-ga ah in arinta
intaas ee ka horeesay oo qoomiyadooda waligood lagu suubin jiray in la liido
illaa waqtigii xuriyada uu qaatay wadankaas isla markaana loo diidi jiray
xaquuqahooda aasaasiga ah oo ee kamid tahay waxbarashada dugsiga sare in uu u
gubdo ardayga Tutsiga ah ,taas oo keeni jirtay in dad badan oo Tutsi ah ee
magacooda badalaan si ee ugu ekeesiiyaan magacyada Hutu-ga si waxbarashada
loogu ogolaado !ayada oo bulshada Hutu-ga ee ka aaminsaneed in dad liito ee
yihiin ,ereyo ee kamid yihiin in la dilo Tutsi-ga iyo in la dilo kaneecada iyo
cayayaanka kale in ee isku mid yihiin ayaa caruurta Tutsi-ga la bari jiray
,waxa ee muddo dheer kadib ee keentay in Qoomiyada Hutu-ga ee aaminto in
Tutsi-ga laga tirabadan yahay eesan wax xaquuq ah laheyn ayadoo keentay in
wadanka hal maalin jiho walbo in uu ka bilaabdo xasuuqa waa maalinkii uu
dhintay madaxweyne Habariyamaana.
Waxa ee gaareen heer ninka uu dilo xaaskiisa ama xaaskiisa
ee ogolaato in seygeeda la dilo ,dariska ee dilaan dariskooda kale oo ee caruurtooda
isla dheeli jireen in la laayo ,si aan kala sooc laheyn caruur ,waayeel iyo
dumarba ayada oo lagu boorin jiray in qofkii Hutu ah oo qariyo qof Tutsi ah in
asigana la dilo.Qoysas badan ayaa baaba’ay qaarna tiro hal qof oo kala ah ayaa
ka haray,intii u qixi kartay wadamada dariska la ahna waa ee qaxeen.
Bulsho uu dhex maray dagaal sidaas ah ayaa heshiisay manta isna
cafisay oo waliba madaxweyne ka dhigatay qof ka soo jeeda qowmiyada laga tirade
badanyahay ma rumesaneysaa?
Sidee aye ku dhacday
in dhibkii dhacay in laga gudbo?
Waxaa wadanka Rwanda oo dhan lagu suubiyay barnaamijyo lagu
kulansiinaayo qofkii dhibka geestay iyo qofkii loo geestay looguna talagalay qof
walbo uu dhibkii asiga ku dhacay ama reerkiisa uu ku cafiyo ,waxa eena ii
sheegeen dad ka tirsanaa dadkii dhibkii gaaray oo aan la sheekeystay in ee
adagtahay inaad hilmaamto dhibka soo gaaray reerkaaga laakin aad cafin kartid
qofka dhibka kuu geestay.waxaa aad loo xoojiyay isku xirnaanta ummada iyo
hormarinta cadaalada ,yareenta musuqmaasuqa iyo xoojinta kala dambeynta.
Waxaa laga yaabaa in uu qof ku doodo anaga wadankeena
faragalin ayaa lagu haayaa oo dowladaha dariska Ayaan ka nasan la’nahay iyo
doodo la halmaal ah ,laakiin waxaan kuu sheegaa in ee iyaga naga daran yihiin
oo wadamada dariska la ah sida Burundi iyo kongo ee dhib ku haayaan ,jabhado
mucaarad ah oo wadamadaas joogo isla markaana duulaan ku haayo wadanka Rwanda.
Waxaan booqday labo matxaf oo ka tirsan matxafyada lagu
keediyo taariikhda xasuuqa, mid waxaa lagu magacaabaa NTARAMA waxaa lagu dilay
5000 oo qof hal maalin oo u badan caruur waxaana meeshaas ee ahaan jirtay kaniisad (hadase loo badalay matxaf oo ee
dadku ku soo ordeen si ee ugu badbaadaan markii uu xasuuqa dhacaayay 1994tii laakiin waxaa ku soo weeraray Hutu careysan
isla markaana laayay dhammaan dadkii gabbaadka ka dhiganaayay xarunta oo u
badnaa caruurta ,illaa maanta waxaa ku yaala daaqadii lagu jebiyay dadkii
meesha gabaadka ka dhigtay raadadkii weerarka oo lama dayactirin si loo
xasuusto,dharki ee gashnaayeen caruurta iyo kabahooda xitaa qolfooftii
madaxyadooda iyo baangadihii lagu dilay ,ulo loo isticmaalay dadka in laga galiyo meel kasta oo duleesha ayada oo illaa afka looga soo bixiyay si silic loogu dilo ayaa lagu keediyay xarunta ayada oo markii aan booqanaayay la qorsheynaayay in la sii ballaariyo xarunta.
madaxyadooda iyo baangadihii lagu dilay ,ulo loo isticmaalay dadka in laga galiyo meel kasta oo duleesha ayada oo illaa afka looga soo bixiyay si silic loogu dilo ayaa lagu keediyay xarunta ayada oo markii aan booqanaayay la qorsheynaayay in la sii ballaariyo xarunta.
Xarunta labaad waa mida ugu weyn oo loo yaqaano Kigali
Genocide memorial oo loogu talagalay xasuusasho iyo wax ka barasho wixii horay
u dhacay si eenan u soo laaban ;waxaa ku aasan xaruntaan 259000(labo boqol
konton iyo sagaal kun oo qof ) waana xarunta ugu weyn ee qabuura wadareedyada
wadanka Rwanda.matxafka gudihiisa waxaa ku jiro dhacdooyinka oo sawir ah iyo
sidii wadanka dhibka uuga baxay iyo muuqaalo fiidiyow ah oo ku sharxaayo sida
ee wax u dhaceyn iyo buugaag laga qoray arimaha xasuuqa la xiriiro.
Matxafka Kigali Genocide memorial.(Getty image)
Mid ka mid ah asxaabteyda oo lagu magacaabo Maxamud Cabdi horayna u booqday wadanka Rwanda ayaa waxa uu ii sheegay in Soomaaliya ee fiicnaan laheyd in loo suubiyo matxafyadaas oo kale si ee wax ugu bartaan dhibaatada dagaalka soo labto mar walbo.
Maxaan ka baran
karnaa hadii aan Soomaali nahay:
Waxa aan u kala qaadeynaa laba qeybood ;Bulshada waxa ee ka
baran karto iyo Dowlada waxa ee ka baran karto.
1.in la is cafiyo si dhameestiran oo sax ah ,waxaan ka
warqabaa in ee jireen barnaamijyo badan oo hey’adaha samafalka ee ka qabteen
wadanka oo loogu tala galay waxa loo yaqaano ‘reconciliation’ ama barnaamijyada dib u heshiisiinta bulshada laakiin waxa aan
aaminsanahay in aan la waafajinin sida ee dadkeynu iskuugu calool fiyowaan
lahaayeen,doorka saxda ahna waxaa qaadan karo dowlada.intaas waxaa sii dheer in
ilaahey naga dhigay dad muslimiin ah oo eey diinteenu na fareyso in aan is
cafino.
2. Dowlad wanaaga iyo hogaan daacad ee ka tahay in dalkaan
wax loo qabto:si ka duwan wadankeena shaqaalaha u shaqeeyo dowlada Rwanda waxa ee
ka taya badanyihiin shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay,marka
aad u dhaba gashid wadankeyna waxaa kuu soo baxeyso in ganacsiga gaarka ah
shaqaalaha u shaqeeyo ee ka firfircoon yihiin dhinac walbo kuwa dowladeyna u
shaqeeya ,tusaaale ahaan isla xisaabtamka u bislaashaha shaqo, iyo guulaha laga gaaraayo shaqada la
qabanaayo.waxaana loo aaneyn karaa dhowr waxyaabood laakin mid kamid ah haddii
aan soo qaato waxaan dhihi karaa ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uu ku
hormaray waxa ee siiyaan shaqaalahooda ugu yaraan mushaaraadka ee ku balamaan
halka dhinaca dowlada laga yaabo in eek a fuli weyso bixinta xuquuqaadka
shaqaaalahooda taasoo keenta qof kasta oo tayo leh in uu shaqo ka raadsado
shirkadaha gaarka loo leeyahay ama hey'adaha.
Musuqmaasuqa Rwanda aad ayaa loola dagaalamay mas’uuliyiintana
waa dad ee ka go’an tahay in ee la dagaalamaan musuqmaasuqa wadankooda si ee u
hormariyaan maadaama oo ilo badan oo dhaqaalo ah aanan laheyn wadankooda.
Rwanda waxa ee guulo la taaban karo ka gaartay hadafyada
hormarinta tobankii sano la soo dhaafay waxaana ka jiro koror aad u
sareeyo,yareynta faqriga oo xooli ku socda ,iyo laga soo bilaabo 2005,waxa ee
yareeyeen sin’naan la’aanta. Inta u dhaxeysa 2001 illaa 2015 waa uu kordhay
cabirka GDP loo yaqaano ee lagu cabiro celcelis ahaan dakhliga soo galo wadanka
8% sanidkiiba .Rwanda waxa ee ka soo
kabsatay kaalmada banaanka kaga timaada oo yaraatay 2012,dhaqaalahooda waxa uu
kordhay 7% sanadkii 2014 iyo 6.9% sanadkii 2015 halka uu ka soo kacay 4.7%
sanadkii 2013.
W/Q:Maxamed Axmed